Sky Sports Germany ayaa sheegtay in tababare Thomas Tuchel uu doonayo inuu ku laabto kooxdiisa hore ee Chelsea isagoo u arka in howshiisa Stamford Bridge inay qabyo weli tahay.
Tuchel ayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka tagaya Bayern Munich ka dib markii Bayer Leverkusen ay ugu awood sheegatay horyaalka Bundesliga.
Tuchel ayaa lala xiriirinayaa kooxo badan laakiin Sky Germany ayaa ka hadashay seddex kooxood oo uu tababaraha Jarmalka doonayo isagoo si gaar ah u xiiseynaya inuu ku laabto horyaalka Premier League.
Chelsea ayaa ah kooxda koowaad ee doonayo inkastoo Blues ay ceyrisay ka dib markii natiijooyinka kooxda ay isa soo tari waayeen, laakiin tan iyo markii uu baxay Chelsea hoos ayay u sii dhacday.
Waxaa sidoo kale la sheegay inuu jecel yahay mashruuca ka socda Manchester United isagoo aaminsan inuu kooxda Red Devils ku soo celin karo maqaamkeedii hore.
Thomas Tuchel ayaa sidoo kale la sheegay inuu xiiseynayo inuu tababare u noqdo kooxda Barcelona, isagoo ku haminaya inuu mar uun tago horyaalka La Liga ee Spain.
Dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaana la ogaan doonaa halka uu caga dhigto tababarihii hore ee Paris Saint-Germain kaasoo ka tagaya kooxda Bayern Munich.