Jamie Carragher ayaa ku cambaareeyay seddex xiddig oo Manchester United ah ficil ay sameeyeen wax yar ka dib guuldaradii ka soo gaartay Crystal Palace.
Man United rajadii Man United ay ka qabtay inay ka ciyaarto tartamada Yurub ceel ka dhacday ka dib guuldarro 4-0 oo ka soo gaartay Crystal Palace xalay oo Isniin aheyd.
Jamie Carragher oo ciyaarta u falanqeynayay Sky Sports ayaa arkay seddex xiddig oo Man United ah – Andre Onana, Mason Mount iyo Antony – oo garoonka dhexdiisa ku sheekeysanaya iyagoo gacantooda afka ku dabooshay ciyaarta ka dib.
“JAamusa oo garoonka baxa” ayuu yiri Carragher,
“Hadal iyo xan la sheego iyadoo gacanta afka la saaranayo looma joogo, waxaad aheydeen kuwaa aad u xun waqti dhow. Waxay u badan tahay inay ka hadlayaan mid ka mid ah ciyaartoyda, qaabka ay u dheeleen ama tababaraha. Aamusa oo garoonka ka baxa.
“Waxaa la idinku garaacay 4-0. Waad xantameysaan, waxaad ka hadleysaa ciyaartoyda kale. Daacadii waa wax ceeb ah oo laga xishoodo.”
Natiijadaas ayaa ah guuldaradii 13aad ee Man United ka soo gaarta xilli ciyaareedkan Premier League taasoo u ah rikoodh cusub.
Kooxda Erik ten Hag ayaa sidoo kale laga dhaliyay xilli ciyaareedkan 81 gool tartamada oo dhan, waana goolashii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed laga dhaliyo tan iyo 1976-77.
Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in United ay ku jirto kaalinta 8aad ee Premier League iyagoo leh 54 dhibcood, waxaana u harsan seddex kulan.