Real Madrid ayaa ku raaxaysatay ciyaar aad u qaraar oo ay qaybtii hore ku wayday saddex ciyaartoy, balse waxay kala soo baxday garoonka guul raaxo leh.
Vinícius Júnior ayaa hat-trick dhaliyay iyadoo Jude Bellingham uu raacsaday goolka kale.
Dhaawac halis ah oo soo gaaray Éder Militão, iyo sidoo kale dhibaatooyinka muruqa ee Rodrygo iyo Lucas Vázquez, ayaa noqday walaac weyn, laakiin Vini ayaa ka dhigay taageerayaasha Estadio Santiago Bernabéu kuwo iska ilooway dhibaatada dhaawaca.
Saddex jawaabood ayaa hadda looga baahan yahay inay ka bixiyaan Real Madrid saddex su,aal oo horyaala waqtigaan.
1. Waa maxay xalka Carlo Ancelotti?
Carlo Ancelotti ayaa ku adkaystay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka in uu xal u helay mashaakilaadka kooxda isaga oo ugu baaqay ciyaartooyda in wadajir loo shaqeeyo.
Haddaba su,aasha la is weydiinayo ayaa ah sidii kulankii Ososuna ma u shaqeyn doonaan ciyaartooyda weerarka Real Madrid.
2. Rodrygo Goes waa sidee fursadiisa?
Isbeddelka weyn ee kulankaan ayaa ahaa soo laabashadii Rodrygo Goes, isagoo ku soo bilowday kulankiisii ugu horeyay tan iyo guushii 5-2 ay ka gaareen Borussia Dortmund.
Laacibka reer Brazil ayaa u muuqday mid tamar badan heystay, laakiin soo laabashadiisu waxay qaadatay kaliya 19 daqiiqo waxaana soo gaaray dhaawac kale.
3. Ilaa goorma ayuu Vinícius Júnior sii wadi doonaa muujinta inuu u qalmay Ballon d’Or?
Kulankaan Osasuna wax qabad heersare ayuu la yimid Vinícius Júnior kaas oo sameeyay bandhig dhamaystiran si uu u muujiyo inuu u qalmay abaalmarintii la siiyay Rodri.
Goolka furitaanka ayaa ahaa mid farshaxan watay, hadii uu sidaan sii ahaado waa wax u fiican kooxdiisa.