Saddex kooxood ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fikirayaan inay Erik ten Hag tababare ka dhigtaan haddii laga cayriyo shaqada Man United sida ay wararku sheegayaan.
Ten Hag ayaa ku dhow dhamaadka xilli ciyaareedkiisii labaad ee Old Trafford, isagoo ka tagay Ajax si uu Ralf Ragnick u bedelay xagaagii 2022.
Ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta afaraad iyo ku guuleysiga Carabao Cup xilli ciyaareedkii hore, xilli ciyaareedkan waxa uu Man United u ahaa mid aad u xun.
Inkastoo ay gaareen semi-finalka FA Cup-ka markii ay 4-3 kaga badiyeen Liverpool isbuucii hore, kooxda Ten Hag ayaa lagu reebay wareega group-yada Champions League, waxayna haatan dagala weyn ugu jiraan inay ku dhameystaan afarta kaalimood ee ugu sareysa Premier League.
Waxaa soo baxay horaantii toddobaadkan warar sheegaya in United ay ka fiirsaneyso magacaabista tababaraha England Gareth Southgate dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, haddii United ay go’aansato inay ceyriso Ten Hag, waxaa jira seddex kooxood oo u soo bandhigi kara shaqo cusub.
Sida laga laga soo xigtay Daily Star, Bayern Munich ayaa soo bandhigi karto shaqadiisa riyada ah haddii ay ku guuldareystaan soo xerogelinta tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alsono.
Laakiin Bayern ay hesho Alonso, Bayer Leverkusen ayaa iyadana u aragta Erik ten Hag tababaraha ku haboon ee u bedeli kara Alonso.
Kooxda seddexaad ee Bundesliga ee xiiseyneysa tababaraha reer Holland waa Stuttgart, kuwaasoo ku jira xilli ciyaareed aad u fiican.
Waxa ay ku jiraan kaalinta seddexaad ee kala sareynta – afar dhibcood kaliya ayay ka danbeeyaan Bayern – waxaana ay heystaan gooldhaliyaha labaad ee ugu sareeya horyaalka Serhou Guirassy, kaasoo 22 gool dhaliyay.