Scott McTominay ayaa mar kale digniin cusub loo diray ka dib markii gaari laga xaday mid ka mid ah saaxiibadiisa kooxda Napoli.
Xiddiga reer Scotland ayaa xagaagii ka tagay kooxda uu ku soo barbaaray ee Manchester United, isagoo ugu biiray Napoli heshiis lagu sheegay inuu qiimihiisu yahay £25 milyan.
Tan iyo markii uu yimid Napoli, McTominay ayaa heystay billow heersare ah, isagoo labo gool iyo hal caawin sameeyay shantii kulan ee uu ciyaaray dhammaan tartamada.
Natiijo ahaan, 27-jirkan ayaa ammaan ka helay warbaahinta Talyaaniga.
Si kastaba ha ahaatee, McTominay ayaa loo sheegay inuu feejignaadaa marka laga hadlayo hantidiisa gaarka ah ka dib markii saaxiibkiis Matteo Politano baabuurkiisa la xaday.
Sida uu sheegay wargeyska Talyaaniga ee Tutto Mercato Web, baabuurka Politano ayaa laga xaday banaanka maqaayad ku taalla Naples, waxaana ugu dambeyn laga helay meel baabuurta la dhigto kadib markii ay boolisku raad raaceen.
Warbixino kale ayaa sheegay in Politano uu yiri: “Nasiib darro, tani ma aha dhibaatada kaliya ee Naples ka jirta.”
Horaantii toddobaadkan, saaxiib kale oo McTominay ah, Juan Jesus, ayaa helay qalab geo-tracker ah oo lagu xidhay baabuurkiisa.
Difaacan ayaa qoray: “Kadib ku dhawaad bil oo la i daba socday, maanta waxay isku dayeen inay baabuurkayga xadaan. Waa dareen xun, oo sawiran qaldan ka bixinaya magaaladaan!
Napoli ayaa garoonka Stadio Comunale kula ciyaari doonta Empoli kadib marka laga soo laabto fasaxa caalamiga a.h