Kooxda Arsenal ayaa si xowli ah ugu hoobanaysa tartanka horyaalka Premier League, iyagoo haatan 13 dhibcood ka dambeeya Liverpool, iyadoo kaliya 11 kulan ay ka harsan yihiin xilli-ciyaareedka.
Gunners kama aysan sameyn wax saxiix ah suuqa kala iibsiga ee Janaayo, inkastoo ay la tacaalayeen dhaawacyo muhiim ah oo soo gaaray Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus.
Xiddigaha kale ee muhiimka ah sida Gabriel Martinelli iyo Kai Havertz ayaa sidoo kale dhaawacyo culus la maqnaa, kuwaasoo ku dhaaawacyo ay soo gaareen maalmo yar uun kaddib xiritaanka suuqa, 3-dii Febraayo.
Taageerayaasha Arsenal ayaa si weyn u dhaleeceeyay tababaraha kooxda, Mikel Arteta iyo madaxda waaxda suuqa kala iibsiga ee kooxda, kadib markii mar kale ay niyad-jab kala kulmeen tartanka horyaalka.
Keith Wyness, oo horey u soo noqday madaxa fulinta ee Everton (2004-2009) isla markaana hadda lataliye ka ah kooxo waaweyn, ayaa soo bandhigay aragti uu ku tilmaamay “mid aan caqli gal ahayn” oo ku aaddan sida Arsenal u maareysay suuqa Janaayo.
Sida ku cad xisaabaadka cusub ee kooxda, Arsenal waxay la kulantay khasaare dhan £17.7 milyan intii lagu jiray xilli-ciyaareedka 2023-24, taasoo la sheegay inay ka dhigtay mid aan macquul ahayn in kooxdu lasoo wareegto ciyaartoy cusub bishii Janaayo.
Laakiin isagoo la hadlayay barnaamijka Football Insider’s Inside Track Podcast, Wyness wuxuu sheegay in ciyaartoyda Arteta iyo kooxdiisa maareynta ay doonayeen iney helaan waqti Dheeraad ah.
“Ma aaminsani in sababta Arsenal u aamusneyd Janaayo ay ahayd xisaabaadkooda.
“Waxaan tan horey uga maqalnay tababarayaal badan, balse ma rumeysanayo inay dhab tahay. Arteta wuxuu yiri: ‘Haddii uusan keenin ciyaaryahan horumarinaya kooxda,waa niyadjab.
“Ciyaartoyda ay rabayeen lama heli karin.
“Waxaan ka hadalnay Isak iyo kuwo kale, balse ma heli karin ama ma fiicneyn xaaladooda caafimaad.
“Ma jirto sabab ay Arsenal lacag waali ah ugu bixiso ciyaaryahan Janaayo oo noqonaya mid saddexaad ama afaraad marka kooxda ay dib u hesho xiddigaheeda.”