Suuqa kala iibsiga ee bisha January ayaa maraya maalmahiisii ugu dambeeyay, iyadoo kooxaha ugu waaweyn ee Premier League ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xoojin lahaayeen safafkooda ka hor inta uusan suuqu xirmin.
Kooxaha sida Manchester United, Manchester City, Chelsea iyo kuwa kale ayaa la filayaa inay dhaqdhaqaaqyo muhiim ah sameeyaan maalmaha soo socda.
Haddaba, halkan waxaan ku eegaynaa saxiixyada ugu waaweyn ee dhici kara ka hor xiritaanka suuqa:
Aleksander Isak (Arsenal)
Arsenal ayaa ku raad joogta xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden, kaasoo lagu tiriyo inuu yahay mid ka mid ah gooldhaliyayaasha ugu wanaagsan ee Premier League. Qiimaha £120 milyan ayaa caqabad ku noqon kara saxiixiisa, balse waxaa la filayaa in Arsenal isku daydo inay dhammeystirto heshiiska, haddii aysan sugi karin xagaaga.
Douglas Luiz (Manchester City)
Manchester City ayaa la sheegay inay ka fiirsaneyso amaah ku soo qaadashada xiddiga khadka dhexe ee Douglas Luiz. Kooxda sidoo kale waxay xiisaynaysaa daafaca midig ee Juventus, Andrea Cambiaso. Chelsea ayaa iyana xiriir la samaysay Juventus si ay wax uga ogaato Douglas Luiz.
Alejandro Garnacho (Chelsea, Napoli)
Xiddiga da’da yar ee garabka ka ciyaara, Alejandro Garnacho, ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester United. Waxa la sheegay in uusan ku jirin qorshaha tababare Amorim, iyadoo kooxaha Chelsea iyo Napoli ay xiisaynayaan adeegiisa.
Marcus Rashford (Dortmund)
Xiddiga weerarka ee Marcus Rashford ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Borussia Dortmund. Waxa la filayaa inuu ka tago Manchester United, maadaama uu raadinayo fursado cusub.
Ben Chilwell (Everton, Wolves)
Daafaca Chelsea ee Ben Chilwell ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Everton, Wolves, iyo West Ham. Kooxahan ayaa doonaya inay xoojiyaan safafkooda daafaca, gaar ahaan xilli uu Chelsea ka dhex muuqan la’yahay.
Oleksandr Zinchenko (Dortmund, Atletico Madrid)
Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund ayaa labaduba isha ku haya saxiixa Oleksandr Zinchenko, daafaca reer Ukraine ee Arsenal. Arsenal ayaa ku doonaysa xiddigan qiimo dhan £20 milyan, iyadoo la filayo in midkood labada kooxood ay dalab rasmi ah ka gudbiyaan maalmaha soo socda.
Waxaa lagu wadaa in saxiixyo kale oo waaweyn ay dhacaan ka hor inta uu suuqu si rasmi ah u xirmin. Koox walba waxay ku dadaaleysaa inay hesho xiddigaha ay u baahan tahay si ay ugu tartanto heerarka sare ee horyaalka.