Saxeexii ugu dambeeyey ee Liverpool uu keenay tababare Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu iskaga tago Anfield kaliya toddoba bilood markii uu joogay Anfield oo uu u muuqdo in xilli-ciyaareedkiisa koowaad uu niyad-jab kusoo dhamaanayo.
Liverpool ayaa isbeddello badan ay ku dhici doonaan marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, waxaana isbeddelka ugu weyn uu noqon doonaa tababare Jurgen Klopp oo ka tegi doona Liverpool oo uu muddo sagaal sannadood ah tababare usoo ahaa.
Ka sokow bixitaanka Jurgen Klopp, waxa la sheegayaa in ay jiraan ciyaartooyo iyaguna go’aansaday inay iska tagaan waxaana ku jira mid ka mid ah saxeexyadii ugu dambeeyey ee uu Jurgen Klopp sameeyo.
Labadii ciyaartoy ee ugu dambeeyey ee ay Liverpool la saxeexatay xagaagii ayaa kala ahaa Wataru Endo iyo Ryan Gravenberch, waxaana sida uu qoray wargeyska kasoo baxa waddanka Turkey ee FotMac doonaya inuu ka tago kooxdaas khadka dhexe ee reer Netherlands ee Ryan Gravnberck.
Laacibkan oo ay Liverpool kasoo iibsatay Bayern Munich maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda, ayaa waxa rumaysan yahay in aanu marnaba boos joogto ah ka heli karaynin kooxdiisa Liverpool sidaas daraadeedna ay tahay inuu iskaga tago.
Ryan Gravenberch oo heshiis waqti dheer ah kula jira Liverpool ayaan wali si cad uga hadal arrintan balse waxa la dareemayaa in aanu ku qanacsanayn kursiga kaydka ee uu fadhiyo.