Dani Alves ayaa goordhoweyd kasoo baxay jeel ku yaalla duleedka magaalada Barcelona oo uu ku xidhnaa 14kii bilood ee ugu dambeeyey, kaas oo la dhigay bishii January 2023, markaas oo loo xidhay gabadh sheegtay inuu kufsaday.
40 jirkan oo toddobaad ka hor ay maxkamad ku taalla Spain ku xukuntay afar sannadood iyo badh xadhig ah, ayaa waxa lagu soo daayey damaanad lacageed oo gaadhaysa 1 milyan oo Euro.
Xeer ilaalinta waddanka Spain ayaa ogolaatay in Alves uu dibedda joogo iyadoo laga qaaday laba baasaboor oo Spain iyo Brazil ah oo uu leeyahay, sidoo kalena waxa laga dhigay 1 milyan oo Euro oo damaanad ah.
Abaaro 4.25pm waqtiga Spain ayaa Dani Alves oo uu wehelinayo gareenkiisa oo ah haweenay lagu magacaabo Ines Guardiola ayaa Brians 2 Prison kasoo baxay jeelka, waxaana lagu qaaday baabuur jeelka hortiisa taagnaa.
Alves ayaa ku labbinaa surwaal jeans ah, jaaket madow iyo funaanad cad oo nooca loo yaqaano digta ah, waxaana la filayaa in si toos ah uu u tegay gurgiisa qasriga ah ee ku yaalla duleedak Barcelona oo qiimihiisu yahay £4 milyan oo Gini.
Laacibkan ayay ahayd inuu jeelka kasoo baxo Arbacadii laakiin waxa dib u dhigtay lacagtii damaanadda ahayd ee uu ka sugayey Neymar oo uu diiday aabbihii Neymr Sr inay qoyskiisu bixiyaan, iyadoo sharciga Spain uu u diiday in qofka dambiilaha ah uu lacagtiisa isku damiinan karayo.
Lama sheegin cidda ka bixisay lacagta damaanadda ah, hase yeeshee Dani Alves oo ah aabbo dhalay laba carruur ah ayaa maanta gellinkii dambe ay u suurtogashay inuu bixiyo lacagta damaanadda ah ee laga doonayey.