Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa fasaxa caalamiga ah ku qaatay safaro badan oo uu ku tagay dalal katirsan qaarada Asia.
Waxaa su’aalo badan laga keenay ujeedada socdaalkiisa, madaxaweynaha Barça ayaa markii ugu horeysay lagu arkay diyaarad qaas ah oo ku sii jeeday dalka Mongolia.
Ka dibna booqasho ayuu ku tagay Azerbaijan, waxaana ku wehliyay agaasimeyaal kala duwan oo kooxda ah iyo ina adeerkiis Alejandro Echevarría.
Laporta ayaa markii hore lagu arkay Ulaanbaatar, oo ah caasimadda Mongolia, halkaas oo uu kula kulmay wasiirka dhaqanka Nomin Chinbat.
Sida laga soo xigtay majalada Relevo, wada-hadallada ayaa udub dhexaad waxaa u ahaa dhisida akadeemiyada Barcelona ee Mongolia.
Madaxweynaha ayaa ka dib ka qeyb galay shirka COP29 ee ka dhacay magaalada Baku ee dalka Azarbajan, isagoo la kulmay Fartad Hajiev oo ah wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo isboortiga iyo milkiilaha Azhemco Adnan Ahmadzada.
Laporta ayaa la sheegay in uu kulamo kale ku yeeshay Dubai iyo Saudi Arabia intii lagu jiray safarkiisa, waxaana sawirada qarsoodigabah ee laga qaaday ay muujinayaa isagoo shiishad ku cabaya goobo lagu caweeyo.
Sidookale sawirada qaar ayaa lagu soo bandhigay isagoo sigaar cabaya taasoo u aheyd fadeexad xili kooxdiisa shaqooyin badan ka sugeyso.