Xiddiga kooxda Arsenal, William Saliba, ayaa shaaca ka qaaday daafaca uu ku qiimeeyo midka ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta. Saliba, oo 23 jir ah, ayaa si weyn loo saadaalinayaa inuu mustaqbalka dhow noqon doono mid ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan adduunka.
In kasta oo qaar ay ku doodayaan in Saliba mar horeba gaaray heerka sare, haddana dadka dhaliila ayaa tilmaamaya in la’aanta koobab waaweyn ay tahay mid caqabad ku ah dooddaas. Xiddigan reer France ayaa laftiisa qiray in guulaha iyo koobabku ay muhiim u yihiin qiimeynta laacibiinta, wuxuuna cadeeyay in Sergio Ramos yahay daafaca ugu fiican ee abid soo maray kubadda cagta.
Sergio Ramos, oo ah halyeeyga reer Spain, ayaa inta uu ku jiray xirfaddiisa ku guuleystay 16 koob oo waaweyn, oo ay ku jiraan afar Champions League. Saliba ayaa xusay inuu aad u doonayay maaliyadda Ramos markii ay isaga hor yimaadeen kulan ka tirsan tartamada Yurub, balse saaxiibkiis Arsenal Gabriel Magalhães ayaa isna doonayay maaliyaddaas.
Saliba wuxuu tilmaamay in Ramos uu caddeeyay in aan loo baahnayn in daafac uu noqdo mid dherer badan si uu ugu guuleysto kubadda cagta. “Sergio Ramos waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican taariikhda. Wuxuu muujiyay inaadan u baahnayn inaad weynaato si aad u noqoto kan ugu fiican, inkasta oo dabcan ay fiican tahay haddii aad weyntahay. Qof kastaa wuxuu leeyahay sifooyin u gaar ah,” ayuu yiri Saliba.
Sidoo kale, Saliba wuxuu Ramos ku qiimeeyay inuu ka sarreeyo Virgil van Dijk, daafaca Liverpool, inkasta oo labaduba ay ka mid yihiin daafacyada ugu fiican xilligan. Hadalkan ayaa si weyn u soo jiitay jamaahiirta kubadda cagta, iyadoo dad badan ay is weydiinayaan in Ramos runtii yahay daafaca ugu fiican ee abid soo maray kubadda cagta.