Khadka dhexe ee Arsenal ee Declan Rice ayaa shaaciyey saaxiibkiisa khaaska ah ee uu ku leeyahay Arsenal oo uu xagaagii kaga soo biiray West Ham United, isagoo sidoo kalena magacaabay afar ciyaartoy oo kale oo ay aad iskugu dhow yihiin.
Declan Rice oo ay Arsenal kaga soo iibsatay West Ham £105 milyan oo Gini bishii July, isla markaana noqday saxeexii ugu qaalisanaa taariikhda Britain, ayaa si degdeg ah u saldhigay Emirates Stadium, isaga oo ka noqday ciyaartoy muhiim ah.
Waraysi uu siiyey website-ka kooxdiisa Arsenal, ayaa lagu weydiiyey saaxiibkiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay qolka labbiska, waxaana uu markiiba lasoo booday difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo ciyaartii Liverpool ee FA Cup la arkayay iyaga oo isku haysta garoonka dhaxdiisa.
Waxa kale oo uu sheegay inay sidoo kale saaxiibbo yihiin Gabriel Jesus, Aaron Ramsdale iyo Oleksandr Zinchenko, laakiin Gabriel Magalhaes uu yahay saaxiibkiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay qolka labbiska.
“Run ahaantii waxa aan halkan (Arsenal) ku samaysay xidhiidho badan oo saaxiibtinimo oo wanaagsan, waxaana jira kala duwanaansho badan oo dhaqanka ah, laakiin saaxiibkayga iigu dhow waa Gabriel Magalhaes.” Ayuu yidhi Declan Rice.
Waxa uu intaa ku daray: “Si fiican ayaanu isku fahamnay. Waa run in gebi ahaanba ay kala duwan tahay shaqsiyaddayadu oo aanu kasoo jeedo meelo aad u kala duwan, kubaddana aanu ku kala duwannahay sida aanu u ciyaarno, laakiin si fiican ayaanu isku baranay, waxaananu yeelanay xidhiidh saaxiibtinimo oo aad u wanaagsan.”