Manchester United ayaa badbaadsatay xilli-ciyaareedkeeda oo murugo ku dhamaan lahaa, waxaana ay 4-3 kaga badisay Liverpool si ay ugu gudubto semi-finalka FA Cup oo ay waliba la ciyaari doonto naadiga yar ee heerka labaad ee Coventry City, taas oo siinaysa fursad fiican oo ay ku gaadhayso finalka tartankan.
Gool uu daqiiqaddii 120+1 dhaliyey Amad Diallo ayaa Manchester United siiyey guusha ay ka gaadhay Liverpool iyadoo la filayey in ciyaartu ay noqonayso rikoodheyaal ay labada kooxood ku kala calaf-qaadi doonaan.
Manchester United ayaa waxa afarteed gool qaybsaday Amad Diallo oo noqday geesiga kooxdiisa, Marcus Rashford, Antony iyo Scott McTominay, halka Liverpool ay saddexdeeda gool dhaliyeen Alexis Mac Allister, Mohamed Salah iyo Harvey Elliott.
Saddexdii ciyaartoy ee sababta u ahaa guul-darrada Liverpool
Saddex ciyaartoy oo Liverpool ah ayaa qaybta ugu weyn ku yeelan doona guul-darrada kooxooda oo ay kasoo afjarantay rajadoodii ahayd inay ku guuleystaan afar koob xilli-ciyaareedkan, waana Joe Gomez oo maqane jooga ka ahaa ciyaarta, Wataru Endo oo lahaa qaladka goolasha dhashay qaarkood isla markaana ku haftay halgankii uu kula jiray Scott McTominay, Bruno Fernandes iyo Kobbie Mainoo.
Waxa sidoo kale fashilmay Darwin Nunez oo qabsan waayey shaqadiisii dhalinta goolasha, isla markaana khasaariyey fursado badan.
Saddexdan ciyaartoy ayaa ahaa kuwii ugu liitay kooxdooda qiimayn ahaan.
Xiddigii garoonka
Amad Diallo oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka ee noqday geesiga kooxdiisa. Waxa xiddignimada kooxdiisa ku qabsaday Kobbie Mainoo, laakiin goolka uu guusha ku go’aamiyey iyo saamayntii uu ku yeeshay ciyaarta ayaa ka dhigay xiddigii ugu fiicnaa garoonka.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Man Utd: Onana (7), Wan-Bissaka (6), Dalot (7), Varane (6), Lindelof (7), Mainoo (8), McTominay (7), Garnacho (7), Fernandes (6), Rashford (6), Hojlund (6).
Kaydka: Antony (7), Maguire (6), Eriksen (6), Diallo (8), Mount (6).
Liverpool: Kelleher (6), Gomez (5), Quansah (6), Van Dijk (6), Robertson (6), Endo (5), Szoboszlai (7), Mac Allister (8), Salah (7), Diaz (6), Nunez (5).
Kaydka: Elliott (7), Bradley (6), Gakpo (5), Tsimikas (6), Clark (6).