Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa haysta dalabyo uga yimid saddex kooxood oo kala duwan oo isla markaana diyaar u ah inay magacaabaan haddii ay Manchester United shaqada ka erido dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Erik ten Hag ayaa la sheegay in aanu kalsooni buuxda kahaysanin maamulka cusub ee Manchester United ee Sir Jim Ratcliffe oo doonaya inuu magacaabo macallin kale oo si xikmadaysan u dhisi kara kooxda iyadoo aan la kharash garayn lacago badan.
Khubarada ciyaaraha ayaa shaki gelinaysay mustaqbalka Erik ten Hag toddobaadkan horraantii ka hor ciyaartii Liverpool taas oo la sheegay in haddii laga badin lahaa la eryi lahaa, balse hadda waxa uu haystaa nafis maadaama uu soo dhaafay Liverpool sidoo kalena semi-finalka ay isku dhaceen Coventry City.
Sida uu qoray wargeyska Daily Star, Erik ten Hag sumcaddiisu waxay ku dhaawacantay horyaalka Premier League balse haddana waxa si weyn xaaladdiisa ula socota kooxda reer Germany ee Bayenr Munich oo doonaysa inay ku beddesho Thomas Tuchel oo shaqada laga caydhinayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Waxa kale oo Erik ten Hag doonaysa kooxda Bayer Leverkusen ee tobanka dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka Bundesliga taas oo Ten Hag magacaabi doonta haddii uu Xabi Alonso ka tago oo uu Liverpool aado dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Kooxda saddexaad ee sugaysa in Manchester United ay erido Erik ten Hag waa kooxda kale ee reer Germany ee Stuttgart.