Manchester United ayaa gaartay guushii ugu horeysay ee Premier League waayaha macalinka cusub ee Ruben Amorim ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen Everton garoonka Old Trafford.
Kadib barbaro ay la galeen Ipswich iyo guul soo laabasho ah oo ay Europa League ka gaareen Bodo/Glimt, United ayaa si la yaqaan ugu tumatay Toffees.
Marcus Rashford ayaa kubad koornada uu kasoo tuuray Bruno Fernandes ku dhaliyay goolka furitaanka, inkastoo ay kusii dhacday ciyaartooy Everton ah.
Qaab ciyaareedka degdegga ah ee Amorim ayaa culeys badan ku ahaa Everton oo is dhiibtay wixii ka dambeeyay goolkaas laga dhaliyay.
Amad Diallo iyo Bruno Fernandes kubad ay si weyn usoo dhiseen waxaa shabaqada aadiyay Joshua Zirkzee oo kulankaas fursad kusoo bilaabasho helay, wuxuuna dhaliyay goolkii labaad ee kooxda Man Utd.
Qeybta labaad markii la isku soo laabtay Man Utd ayaa dhalisay goolka saddexaad ee ciyaarta waxaa habeenkiisa ay aheyd Rashford oo goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee kooxdiisa saxiixay.
Everton waxaa qarka kasii riday weeraryahanka Zirkzee oo dhaliyay goolkii afaraad ee Man Utd iyo kiisii labaad ee kulanka.
Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-0 oo ag ku badisay kooxda Manchetser United oo marti loo ahaa.
Waxyaabaha kulanka laga bartay intii uu socday waxaa kamid ah
1. Majiro xiddig ka muhiimsan Bruno Fernendes
Bruno Fernandes ayaa haatan sameeyay caawinaad ka badan ciyaaryahan kasta oo Portugal ah taariikhda Premier League.
Kabtanka Manchetser United ayaa rikoorkaan ka jabiyay caawa xiddiga ka tirsan kooxda Man City ee Bernando Silva.
Bruno Fernandes waxay ku qaadatay 41 daqiiqo inuu laba caawin sameeyo kulankii Everton ee caawa.
◉ 46 – Bruno Fernandes
◎ 45 – Bernardo Silva
◎ 43 – Nani
◎ 37 – Cristiano Ronaldo
2. Rashford ma buuxin karaa baahida Amorim?
Laba kulan oo uu kusoo ku bilowday Marcus Rashford waayaha tababare Ruben Amorim wuxuu dhaliyay saddex gool.
Xiddiga England yaaa kusoo baxay weeraryahan halis badan oo la aamini karo marka la qiimeeyo shaqadiisa garoonka.
Amorim wuxuu kasoo saaray Rashford xiddig kalsooni badan oo dhaqaaqiisa garoonka fiican yahay, waxaana sida muuqata uu kaga maarmi karaa in weeraryahan cusub kooxda Man Utd suuqa ka raadiso.
3. Taatikada Amorim oo xiddigo badan caawisay
Lama filaan waxaa ahyed inuu kusoo bilowday kulankii Everton, weeraryahanka Joshua Zirkzee oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay Premier League tan iyo kulankii furitaanka xilli ciyaareedkan.
Wuxuu si cajiib ah kaga shaqeeyay garabka ilaa bartamaha weerarka dhaxe isagoo dhowr fursad oo halis ah abuuray, waxaana uu dhaliyay laba gool ciyaartiisii ugu horeysay ee uu fursad helay.
Sidookale taatikada Amorim waxay soo saartay lama taabtaan kusoo baxay Amad Diallo ayaa 2 gool dhaliyay 4 kalena caawiye ka noqday 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ku soo bilowday kooxda Man United.
Xiddiga garabka weerarka ayaa boos cusub helay tan iyo imaanshaha Man Utd tababare Amorim isagoo si weyn kaga shaqeynaha difaaca midig ilaa garabka weerarka.