Kai Havertz ayaa ku qaaday Champions League Chelsea, isagoo xitaa dhaliyay goolkii guusha ee finalka, laakiin wuxuu sheegay ku biirista Arsenal inay ahayd waxa ugu wanaagsan ee uu sameeyay.
Havertz wuxuu jabiyay rikooro dhowr ah waqtigiisii Bayer Leverkusen, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid kasoo muuqda Bundesliga iyo kii ugu da’da yaraa taariikhda gool ka dhaliya horyaalka Jarmalka.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa sidookale heysta rikoorka qaali ah sida inuu yahay ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gaara 50 iyo 100 kulan oo Bundesliga ah.
Laba xilli ciyaareed oo cajiib ah oo uu ku sugnaa Leverkusen ayaa u horseeday xiiso weyn oo uu ka helay kooxaha Yurub oo dhan, Chelsea ayaana kula saxiixatay 2020 heshiis ku kacaya 71 milyan ginni.
Havertz wuxuu ahaa saxiixii labaad ee ugu qaalisanaa abid kooxda Chelsea ka dib goolhayaha Flop-ka noqday ee Kepa Arrizabalaga.
Saddex sano oo uu kueugnaa Stamford Bridge, wuxuu dhaliyay 32 gool 139 kulan oo uu u saftay Blues.
Qaab ciyaareedka isku dhafan 25-sano jirkaan Emirates Stadium ayaa keentay in tababare Mikel Arteta uu siiyo kalsooni ka badan ciyaartooyda kale ee kooxda.
Havertz, wuxuu dhaliyay 23 gool 71 kulan oo uu u saftay Gunners, inkastoo uusan wali wax koob ah kula guuleysan kooxda ka dhisan waqooyiga Londin.
Waxaan halkaan joogaa hal sano, laakiin waxaan dareemayaa sidii gurigayga oo kale “ayuu u sheegay Sky Sports. ‘Qof walba si fiican ayaan u garanayaa, waa wax cajiib ah oo ka duwan waqtigii Chelsea “ayuu hadalkiisa raaciyay.