Cristiano Ronaldo muddo saddex sannadood ah awood uma aanu yeelanin in uu xataa hal ciyaartoy kubadda u gooyo, waxaana muuqata inay si aad ah hoos ugu dhacday ciyaartiisu.
Aragtidan waxa qaba tababarihii hore ee kooxaha Real Madrid, Juventus, AS Roma, xulalka England, Ruushka iyo kooxo kale oo reer Yurub iyo Asia ah.
Cristiano Ronaldo oo markii uu ka tegay Real Madrid u wareegay Juventus oo laba sannadood usii ciyaaray ka hor intii aanu u wareegin Manchester United oo uu usii dhaafay Al-Nassr ayaa waxa eedaymo u jeediyey Fabio Capello.
Khabiirkan Talyaaniga ee hadda hawlgabka ka noqday shaqada tababarenimada ayaa ku doodday in Ronaldo ay kubaddu ka dhamaatay sannadkii 2019, waqtigaas oo kaydka ay dhigtay Juventus, waxaana uu Fabio Capello yidhi: “Cristiano Ronaldo waa ciyaartoy wanaagsan oo guulo gaadhay, mana jiro qof ka murmi karaya taas laakiin saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey xataa hal ciyaartoy kubadda uma aanu goynin. Waqtigan waa uu dhaafay xilligiisii fiicnaa.”