Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa sheegay in ciyaarta Sabtida ee Premier League ay la leeyihiin Southampton ay tahay “tii ugu horreysay ee saddex final” oo ay ciyaari doonaan toddobaadka soo socda.
Kadib ciyaarta ay la leeyihiin kooxda Ivan Juric, Reds waxay martigelin doonaan Paris Saint-Germain lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League.
Kooxda Slot ayaa 1-0 ku garaacday PSG lugtii hore horraantii toddobaadkan.
Liverpool waxay sidoo kale la ciyaari doontaa Newcastle United kulanka Carabao Cup ee Wembley maalinta Maarso 16.
“Diiraddayda oo dhan hadda waxay saaran tahay Southampton,” Slot ayaa sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcaha.
“Tani waa tii ugu horreysay ee saddex final oo aan ciyaari doonno toddobaadka soo socda.
“Aniga ahaan, ciyaarta Southampton waa tan ugu muhiimsan toddobaadka, ma aha oo kaliya sababtoo ah waa tan ugu horreysa ee aan ciyaarayno laakiin sidoo kale waa ciyaar aad noogu muhiim ah.”
Waa inaan wada guuleysannaa dhammaan kulamadaas,taageerayaasha haigu kalsoonaadaan”
Wuxuu intaas ku daray: “Waa toddobaad ay tahay in la sugo oo ay taageerayaasha Liverpool ku farxaan. Waxaan ognahay in finalka halkaas yaallo, qof walbana wuxuu iiga sheekeynayaa sida jawiga uu noqon doono habeenka Champions League, laakiin si daacad ah waxaan rajeynayaa in taageerayaasheena ay abuuri doonaan sawaxan iyo xamaasad waalli ah inta ugu badan berri, ma aha finalka ama PSG, balse berri.”