Arsenal ayaa 1-0 ku garaacday kooxda Newcastle United, waxaana goolkan ka dhaliyay Alexander Isak.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa madax ku dhaliyay karoos cajiib ah oo uu ka helay Anthony Gordon daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta, wuxuuna hogaanka u dhiibay kooxda martida loogu ahaa St James’ Park.
Arsenal ayaa isku dayday in ay jawaab ka bixiso goolkaas, laakiin kooxda Mikel Arteta uma aheyn maalin fiican oo ay abuureen fursado badan.
Haddaba saddex ciyaartooy oo Arsenal katirsan ayaa sabab u ahaa guuldarrada xanuunka badan ee kooxda gaartay.
1. Party
Garabka midig ee Arsenal Party uma aheyn ciyaar xasuus fiican ku leh, Newcastle ayaa booskiisa dagaal badan ka sameysay, inakstoo uusan ahen booskiisa dabiiciga ah halka uu kusoo bilowday wuxuu helay dhibcihii ugu yaraan ciyaata oo ah 5.5.
2 Saka
Ninka labaad ee Arsenal ka badiyay caawa wuxuu ahaa Bukayo Saka, oo aan sameyn badan ku yeelan ciyaarta.
Xiddiga reer England inkastoo uu yahay super star-ka kooxda, haddana waa inuu isla iloowaa bandhigiisii liitay ee kulankaan oo uu helay kaliya 5.5.
3 Leandro Trossard
Leandro Trossard waa xiddig kale oo kulan qaraw ah qaatay, wuxuuna uruursaday dhibco 5.5
Waxkasta oo uu isku dayay waa uu ku guuldaraystay taasoo keentay in ugu dambeyn bedel looga saaro garoonka.