Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa garoonka dhexdiisa ku canaantay Jeremy Doku markii ay dhamaatay ciyartii ay ka badiyeen kooxda Brighton.
City ayaa guul 4-0 ku gaartay garoonka AMEX laakiin Guardiola ma aheyn mid faraxsan markii ay ciyaarta dhamaatay isagoo kaamirooyinka hortooda ku canaantay xiddiga reer Belgium.
Doku ayaa bedel ku soo galay daqiiqadii 78aad isagoo bedelay Bernando Silva, wax fursad ahna uma helin inuu shabaqa soo taabto, laakiin Guardiola ayaa canaantay waana uu sugi waayay inta ay ka tagaan qolka labiska.
Guardiola ayaa u muuqday mid aan la dhicin in Doku uu labo jeer kubada dhiibtay muddo kooban gudaheed, taasoo sabab u aheyd carradiisa.
Ka dib markii uu laabta geliyay muddo ilbiriqsi ah, Guardiola ayaa bilaabay inuu ku qeyliyo ciyaaryahanka isagoo labo farood u taagayay taasoo aheyd labadii jeer uu kubada dhumiyay.
Wuxuu ku canaanayay inuu halis geliyay kooxdiisa madaama uu labo jeer waqti kooban kubada ku dhumiyay xilli la marayo gabagabada xilli ciyaareedka oo tartanka horyaalka uu meel xaasaasi ah joogo.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Pep Guardiola uu ciyaartooy ku dhex canaanto garoonka dhexdiisa, waxa uu dhawaan sidaas ku sameeyay Jack Grealish, halka uu sidoo kale garoonka ku dhex canaantay Erling Haaland.
Mar dhawaan la weydiiyay sababta uu ciyaartoyda garoonka ugu dhex canaanto oo uusan u sugin inay qolka labiska ka tagaan, Guardiola ayaa la kaftamay wariyayaasha isagoo bixiyay jawaab kajan iyo kaftan ah.
“Waxaan u sameeyaa kaamirooyinka dartood. Aniga ayaa ah shaqsiga ugu caansan kooxda, haddii kaamirada ay qabato markaas waan seexan karaa sababtoo ah aad ayay ii qancineysaa. Waxaan mar walba isku dayaa inaan dhaleeceeyo ciyaartoyda oo aan u sheego sida ay u xun yihiin.
“Marka Erling Haaland uu seddex gool dhaliyo, amaanta waa inaan aniga helo, waa sababta aan u adeegsado kaamirooyinka. Talaadeyda waxay tahay, ha ina duubina markaas dhibaato ma noqoneyso.”