Sir Alex Ferguson ayaa seegi doona kulanka Manchester United ay la ciyaari doonto Brentford Sabtida, kaas oo ah kulankii ugu horreeyay ee kooxda tan iyo markii la joojiyay qandaraaskiisa safiirnimo.
Mulkiilaha kooxda Sir Jim Ratcliffe, ayaa go’aansaday inuu joojiyo qandaraaska Ferguson ee £2 milyan sanadkii, taas oo qayb ka ah qorshayaasha dhimista kharashaadka kooxda.
82 jirkaan ayaa ballan uu lahaa ku seegi doona kulanka taas oo sabab u noqonaysa maqnaanshihiisa Old Trafford Sabtida.
Weli lama oga inuu kulamada kale ee kooxda kasoo muuqan doono Old trafford. Sir Alex ayaa noqday maamulihii ugu saameynta badnaa taariikhda United, isagoo soo hooyay 38 koob muddo 26 sano ah.
Wargeyska Mail Sport ayaa toddobaadkan sheegay in Ferguson iyo xubnaha kale ee Guddiga Kubadda Cagta ee kooxda lagu wargeliyay inaysan tagin qolka labiska ee kooxda, taas oo kahor imaaneysa hab dhaqankii hore.