Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, sababta ugu weyn ee ay Barcelona xagaagii hore ugu guuldarraysatay inay la soo wareegto daafac dhexe waxay ahayd markii ay ku fashilantay inay hesho Josko Gvardiol.
Daafacan Manchester City ayaa ahaa bartilmaameedka koowaad ee tababare Hansi Flick, balse xiddigan reer Croatia ayaa go’aansaday inuu sii joogo Ingiriiska, wuxuuna 28-kii Luulyo saxiixay qandaraas cusub oo gaaraya ilaa 2031.
Flick wuxuu doonayay daafac bidixle ah oo ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo daafaca bidixba. Inkastoo Barcelona ay qiimeysay dhowr beddel oo kale, midkoodna ma helin oggolaansho buuxda oo ka yimid tababareyaasha iyo maamulka ciyaaraha.
Alessandro Bastoni ayaa laga fikiray, balse Flick ayaa shaki ka qabay xawaarihiisa. Sidoo kale, Nico Schlotterbeck, Micky van de Ven, Ibrahima Konate, iyo Marcos Senesi ma noqon doorashooyin dhab ah. Aymeric Laporte iyo Cristian Romero ayaa iyagana la qiimeeyay, laakiin midkoodna kuma qancin tababaraha Barcelona.
Ugu dambayn, kooxda reer Catalonia ayaa diidday inay ka tanaasusho shuruudaha Flick halkii ay ka keeni lahayd daafac aan buuxinayn rabitaankiisa. Haatan waxay raadinayaan inay isla booskaas xoojiyaan suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.