Louis Saha Oo Shaaciyay Weeraryahanka Ay Manchester United Ku Qaldaneyd Iney Seegto Saxiixiisa.

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Louis Saha, ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay seegtay fursad weyn markii aysan la soo wareegin Nicolas Jackson, ka hor inta uusan xiddigan reer Senegal Chelsea uga tagin si uu ugu biiro Aston Villa heshiis ku kacay 65 milyan oo gini.

Jackson ayaa si wanaagsan ku bilowday waayihiisa Chelsea, isagoo xilli-ciyaareedkiisii koowaad dhaliyay 17 gool dhammaan tartamada. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku guuldarraystay inuu gaaro heerkaas xilli-ciyaareedkii 2024-25, Chelsea ayaana xilli-ciyaareedkii hore amaah ugu dirtay Bayern Munich.

Qaab-ciyaareedkii fiicnaa ee Joao Pedro ayaa sii adkeeyay mustaqbalka Jackson markii uu ka soo laabtay Jarmalka, ugu dambayntiina Chelsea waxay oggolaatay inay ka iibiso Aston Villa.

Isagoo ka hadlaya Jackson, Saha ayaa yiri, sida laga soo xigtay Metro UK oo warbixinta ka heshay CasinoHawks: “Nicolas Jackson waa ciyaaryahan aan u malaynayo in Man Utd ay si dhab ah u seegtay, sababtoo ah waa weeraryahan khibrad leh oo si fiican u ciyaara marka uu cadaadis jiro.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular