Halyeeyada Man United ee ka soo muuqda TV-yada iyagoo careysan ayaa u sabab u ah in Manchester United ay weyso bedelka saxda ah ee Erik ten Hag sida ay wararku sheegayaan.
Cadaadiska ayaa ku kordhaya tabaare Ten Hag isagoo eedeymo kulul kala kulmay xiddigihii hore ee Man United oo isku bedelay khabiiro u shaqeeya TV-ga isboortiga.
Michael Owen waxa uu ku baaqay in Ten Hag la ceyriyo halka Paul Scholes uu sheegay in caawiyaha tababaraha Steve McClaren lagu bedelo tababaraha reer Holland.
Kabtankii hore ee United Rio Ferdinand ayaa si xun u cambaareeyay kooxdiisa hore ka dib xasuuqii 4-0 ee ay kala kulmeen Crystal Palace.
Waxaase la ogaaday in madaxda Old Trafford aysan qorsheyneynin inay ceyriyaan Erik ten Hag ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.
Taasoo la micno ah inuu qaban doono kulanka finalka FA Cup ee ay la ciyaarayaan Man City 25ka bishaan May.
Laakiin kooxda waxay daaha gadaashiisa uga shaqeyneysaa inay hesho bedelkiisa xilli ciyaareedka soo socda iyadoo lala xiriiriyay tababarayaasha sida Thomas Tuchel, Zinedine Zidane iyo Gareth Southgate kuwaasoo iska fogeeyay shaqada ka banaan Old Trafford.
Sida ay sheegtay jariirada The Telegraph, labo ka mid ah tababarayaasha u sharaxan shaqada Manchester United ayaa walaac xoogan ka qaba weerarka joogtada ah ee kooxda uga imaanaya ciyaartoydoodii hore.
Gary Neville, Roy Keane, Ferdinand, Scholes iyo Owen oo dhamaantood khabiiro ka ah TV-yada ayaa ka mid ah kuwa had iyo jeer weerara tababare kasta oo kooxda yimaada tan iyo markii uu shaqada ka fariistay Sir Alex Ferguson.
Thomas Tuchel iyo Zidane ma doonayaan in cadaadiska shaqada ay ugu sii darsanto weerar had iyo jeer uga imaanaya ciyaartooy halyeeyo ka ah kooxda.