Ciyaarta adag ee caawa ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ee semi-finalka Spanish Super Cup lagama daawan doono waddanka UK, waxaana loo diiday fursad ay ku daawadaan wiilkooda wacdaraha ka dhigaya Real Madrid ee Jude Bellingham.
Super Cup-ka Spain oo aan ka mid ahayn tartamada xiisaha leh ee kubadda cagta Spain, ayaa waxa ku lug yeesha afar kooxood oo sannadihii ugu dambeeyey ku dheelayay waddanka Sucuudiga.
Kooxda ku guuleysata horyaalka LaLiga, kooxda kusoo guuleysata tartanka Copa del Rey, kooxda kaalinta labaad ka gasha horyaalka LaLiga iyo kooxda finalka la Copa del Rey laga qaado ayaa u safra Sucuudiga iyaga oo samaynaya semi-final ay laba kooxood ugu soo gudbaan ciyaarta ugu dambaysa.
Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ciyaartooda oo caawa ka dhacaysa magaalada Riyadh waxa ay bilaabmi doontaa 10pm waqtiga Geeska Afrika, waxaana midkooda guuleysta uu finalka la ciyaari doonaa Barcelona iyo Osasuna oo iyaguna Khamiista kala bixi doona.
Finalka waxa la ciyaari doonaa maalinta Axadda ah ee foodda innagu soo haysa ee January 14, saddex maalmood kaddibna waxa ay Real Madrid iyo Atletico Madrid ku wada ciyaari doonaan garoonka Wanda Metropolitano ee magaalada Madrid oo ay tartanka Copa del Rey ku kala calaf-qaadi doonaan maadaama ay isku-aadkii la sameeyey laba habeen ka hor ay isku dhaceen.
Tartanka Spanish Super Cup ioo ku jira halka Ingiriiska uu ugu jiro Community Shield, ayaan laga daawand oonin UK iyadoo horena ciyaartii El Clasico ee sannadkan aan Ingiriiska looga daawanin.
Telishanka TNT Sports ee hore loo odhan jiray BT Sports oo sannadkii 2023 baahiyey ciyaarihii semi-finalka iyo Finalka Spanish Super Cup ayaan markan tabin doonin, waxaana beddelkiisa ay tabin doonaan ciyaarta semi-finalka Carabao Cup ee Liverpool iyo Fulham oo la ciyaarayo 11pm waqtiga Geeska Afrkika.
Waddanka Maraykanka ayaase laga daawan doonaa ciyaarta Madrid Derby, waxaana luuqadaha Enlgish iyo Spanish ku tabin doona telefishanka ESPN.