Faahfaahinta qandaraaska Cole Palmer ee Chelsea ayaa la ogaaday xilli la isla dhexmarayo inuu jiro qodob xeer ah oo la xiriira Champions League.
Palmer ayaa noqday xiddiga ugu muhiimsan ee Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray Manchester City bishii Sebtembar 2023. Xiddiga xulka England ayaa bandhigyo cajiib ah sameeyay, taasoo keentay in Blues ay si rasmi ah ula galaan qandaraas cusub bishii Agoosto 2024, kaasoo kusii haynaya kooxda ilaa 2033.
Waxaa jiray warar sheegaya in qandaraaska Palmer uu ku jiro qodob dhigaya in Chelsea lagu qasbi karo inay ka fiirsato dalabyada haddii ay ku guuldareystaan u soo bixitaanka Champions League. Laakiin, sida uu sheegay wariyaha Ben Jacobs, tani ma aha wax sax ah, maadaama uusan jirin ciyaaryahan Chelsea ah oo heshiiskiisa u ogolaanaya inuu baxo haddii kooxda ay seegto tartanka kooxaha ugu sarreeya Yurub. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska Palmer waxaa lagu sheegay inuu yahay mid ku saleysan dhiirrigelin, isla markaana uu leeyahay koror mushahaar oo tartiib tartiib ah.
Kooxda Enzo Maresca ayaa haatan la halgamaysa sidii ay ugu soo bixi lahayd Champions League xilli ciyaareedka soo socda. Chelsea ayaa ku jirta kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka, laakiin waxay hal dhibic kaliya ka dambeysaa Manchester City oo ku jirta kaalinta afraad.
Tababaraha Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan horraantiisii sheegay in “cidna iga dalbanin inaan kooxda u soo saaro Champions League sanadkan.”