Daaficii hore ee Chelsea, William Gallas, ayaa ku adkeystay in Jadon Sancho uusan sii joogi karin Blues maadaama uu u baahan yahay inuu wax badan sameeyo.
Gallas ayaa sheegay in Chelsea ay dib uga fiirsato go’aanka ay ku doonayso inay si rasmi ah ula wareegto xiddiga xulka England, isagoo tilmaamay in Sancho uusan qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigi karin kooxda reer London.
Xiddiga reer France ma uusan la dhicin qaab ciyaareedkii Sancho kulankii Chelsea ay guuldarrada 1-0 kala kulantay Arsenal Axaddii garoonka Emirates Stadium.
Sancho ma uusan sameyn wax bandhig ah oo cajiib ah kulankaas, iyadoo Mikel Merino uu dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta qeybtii hore.
Gallas oo la hadlayay Stadium Astro ayaa yiri: “Ciyaaryahankaas [Sancho] waa mid leh hibo. Wuxuu leeyahay karti, qof walba wuu ogyahay taas, laakiin ma naqaano sababta uusan usoo bandhigin awooddiisa dhabta ah.”
“Dortmund wuu ku fiicnaa. Manchester United uma aysan shaqeyn siduu waz u rabay. Wuxuu yimid Chelsea, bilowgiina waxaan aragnay Sancho-gi Dortmund, balse markale waa uu lumay.”
“Ma garanayo dhibaatada haysata, balse waqti xaadirkan ma sii joogi karo Chelsea, maxaa yeelay waa inuu wax badan sameeyaa.”
Sancho ayaa Chelsea ku yimid heshiis amaah ah xagaagii lasoo dhaafay isagoo ka yimid Manchester United.
Heshiiskiisa ayaa noqon doona mid rasmi ah haddii Chelsea ay ku dhameysato xilli-ciyaareedkan booska 14-aad ama ka sareeya, iyadoo qiimihiisu u dhaxeeyo £22 milyan ilaa £25 milyan.