Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa rumaysan in ay rumowday saadaashii uu Jose Mourinho ka sameeyey kooxdooda lix sannadood ka hor, waxaana ay falcelin badan ka sameeyeen baraha bulshada iyaga oo magaca Jose Mourinho marar badan kusoo celceliyey tan iyo intii ka dambaysay guushii ay Red Devils ka gaadhay Liverpool.
Gool uu Amad Diallo u dhaliyey iyadoo rikoodheyaal la isku diyaarinayo, ayaa Manchester United siiyey inay guul 4-3 ah ka gaadho Liverpool oo marti ugu ahayd Old Trafford.
Laba jeer ayay Liverpool ku dhowaatay inay guuleysato ciyaarta, waxaana markii hore ay ahayd waqtigii caadiga ahaa oo iyadoo 2-1 hoggaanka ay ku hayaan uu Antony ka dhaliyey goolka barbarraha daqiiqaddii 87aad.
Mar kale ayay Liverpool hoggaanka qabatay 30kii daqiiqadood ee dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, balse Marcus Rashford ayaa goolka barbarraha ee Man United keenay daqiiqaddii 112aad, halka goolka guushana uu Amad Diallo saxeexay daqiiqaddii 121aad.
Kaddib guushan, taageereyaasha kooxda ayaa dib usoo xasuustay hadal uu sheegay Jose Mourinho sannadkii 2018, markaas oo ahayd xilligii ay United la saxeexatay Diogo Dalot oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaarta xalay.
Mourinho ayaa waqtigaas yidhi: “Waxa aan helay ciyaartoy 10ka sannadood ee soo socda u dheelaya kooxdan. Waxa uu leeyahay dhamaan sifooyinka looga baahan yahay difaac dhinac ah, sida awood jidheed, xeelad farsamo oo maskax ku ladhan tahay, tayo iyo farsamo la isku ladhay oo ay kusoo barbaarisay FC Porto oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay.”
Jamaahiirta Manchester United ayaa waxa ay soo xasuusteen hadalkii Jose Mourinho ee markii ay Liverpool ka adkaadeen Axaddii, waxaanay Mourinho ku tilmaameen khabiir garan karaya sida ay ciyaartoydu noqonayaan mustaqbalka.