Manchester City ayaa weli ah kooxda ugu cadcad ee ku guuleysan karta horyaalka Premier League 2024-25, laakiin Opta iyo supercomputer kuma qanacsana natiijooyinka horudhaca ah ee bilowgii xilli ciyaareedka heshay kooxda Guardiola.
Ka hor inta xili ciyaareedka la bilaabin, supercomputer-ka wuxuu qabay in Man City ku guuleysan kartay horyaalkii shanaad oo xiriir ah 82.2%.
Saadaashaas waxay hadda hoos u dhacday 69.4%, taas oo wali ka dhigaysa inay yihiin kooxda Man City kuwa ugu cadcad, laakiin Arsenal iyo Liverpool ayaa gadaal ka taagan.
Arsenal ayaa ah kooxda labaad ee ugu cad-cad hanashada horyaalka, si la mid ah xilli ciyaareedkii hore, supercomputer ayaa saadaaliyay inay fursad u heystaan Arsenal 12.2 %, laakiin bilow fiican ka dib, iyagoo 17 dhibcood qaatay 7 kulan – si la mid ah Man City – fursadooda ayaa hadda gaartay 19.6%.
Dhinaca kale Liverpool oo hogaanka Premier League ku heysa 18 dhibcood ayaa saadaashu siisay kooxda sadexaad, iyadoo sababtu tahay isbedelka tababare ee ku dhacay, inkastoo Arne Slot sameeyay wacdaro bilowgii.
Reds ayaa hadda fursad u heysata inay ku guuleysato horyaalkoodii labaad ee Premier League 10.8 % waana wax ka badan xilli ciyaareedkii hore oo ay heysteen kaliya (5.1%).
Supercomputer ma qabo in Horyaalka uu aadi karo meel ka baxsan saddexdaan koox ee Man City, Arsenal iyo Liverpool, iyadoo Chelsea iyo Aston Villa sidookale kujiraan kaalmaha sare.