Alan Shearer ayaa sameeyay saadaashiisa kulamada Premier League ee isbuucaan la ciyaarayo, isagoo si gaar ah u falanqeeyay kulanka adag ee Manchester City vs Liverpool. Shearer wuxuu aaminsan yahay in haddii John Stones iyo Erling Haaland ay maqnaadaan, City aysan awoodi doonin inay Liverpool ka adkaato. Inkastoo City ay dhibaato dhanka difaaca ah la kulmayso, Liverpool ayaa iyaduna fursado badan iska lumisa, balse wuxuu saadaaliyay guul ay Reds gaari doonto.
Shearer wuxuu saadaaliyay in Everton ay garaaci doonto Manchester United, isagoo amaanay qaabka uu u dhisay David Moyes West ham.
Dhanka Fulham vs Crystal Palace, wuxuu sheegay inay tahay kulan adag, laakiin Fulham ayaa heli doonta guusha. Sidoo kale, wuxuu saadaaliyay in Ipswich iyo Tottenham ay barbaro galayaan, maadaama labada kooxood ay dhibaatooyin dhanka waxqabadka ah la kulmayaan.
Brentford vs Leicester City wuxuu saadaaliyay in Brentford ay guuleysan doonto, maadaama ay si fiican ugu ciyaaraan garoomada martida ah. Dhanka kale, Brighton vs Southampton wuxuu rumeysan yahay in Brighton ay si fudud uga adkaan doonto Southampton, oo bandhig liita la daalaa dhaceysa.
Arsenal vs West Ham, Shearer wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay guul ka gaari doonto West Ham, inkastoo ay dhibaato dhanka weerarka ah qabaan. Wuxuu soo jeediyay in Mikel Merino laga dheelsiiyo booska weerarka, maadaama uu bandhig fiican sameeyay kulankii hore. Bournemouth ayaa isagana la filayaa inuu garaaco Wolves, isagoo amaanay macallinka kooxda Andoni Iraola, oo xilli ciyaareed layaab leh ku qaadanaya halkaas.
Dhanka Aston Villa vs Chelsea, Shearer wuxuu saadaaliyay in Aston Villa ay guul gaari doonto, maadaama Chelsea ay bandhig liita soo bandhigtay kulankii ugu dambeeyay. Newcastle United ayaa la filayaa inay guul ka gaarto Nottingham Forest, inkastoo uu qiray in Forest ay halis gelin karto kooxda Eddie Howe, oo kulankii hore si xun looga adkaaday.
Ugu dambeyn, saadaasha Shearer ee kulanka ugu weyn, Man City vs Liverpool, wuxuu rumeysan yahay in Liverpool ay guuleysan doonto. Inkastoo City ay fursado heli karto, wuxuu ku dooday in daciifnimadooda dhanka difaaca ay sabab u noqon doonto guul darro kale, taasoo siin doonta Liverpool fursad ay hoggaanka Premier League ku sii xajistaan.