Saadaasha Supercomputer-ka: Man United iyo Arsenal oo Dhibaato Waajihi Doona.
Supercomputer uu leeyahay Skinlords.com ayaa saadaaliyay in Manchester United ay ku dhameysan doonto xilli ciyaareedkan booska ugu hooseeya ee taariikhda Premier League. Kooxda Red Devils ayaa loo saadaaliyay inay ku dhameysan doonto kaalinta 13-aad, taasoo ka sii hoosaysa kaalintii 8-aad ee ay ka galeen xilli ciyaareedkii hore ee uu hogaaminayay Erik ten Hag.
Saadaashu waxay muujinaysaa in tababaraha cusub Ruben Amorim uusan si degdeg ah wax uga bedeli karin xaaladda kooxda, gaar ahaan kaddib guuldaradii weynayd ee Bournemouth ay kala kulmeen.
Manchester City oo Dib Usoo Kaban doonta.
Manchester City ayaa la saadaaliyay inay ka soo kaban doonto hoos u dhaca ay la kulantay xilli ciyaareedkan, inkastoo ay ku jiraan kaalinta 7-aad haatan kaddib guuldarrooyin 9 ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay. Kooxda Pep Guardiola ayaa loo saadaaliyay inay ku dhamaysan doonto kaalinta 4-aad, si nabad ahna uga sarreyn doonto kooxaha kaalmaha 5-aad iyo 6-aad, oo ay Newcastle iyo Nottingham Forest ku loolami doonaan. Newcastle ayaa loo saadaaliyay inay ku dhamaysato booska 5-aad, iyagoo kaga hormari doona Forest farqiga goolasha.
Waa xaalad xiiso leh soo wajihi doona kooxaha waaweyn ee Premier League, iyadoo saadaashani ka dhigeyso xilli ciyaareedka mid lama filaan ah oo ay kooxo badan isku arki doonaan xaalado cusub.
Halkaan Kaga Bogo Jadwalka Uu Saadaaliyay Super Computer-ka