Saadaal uu sameeyay halyeeyga Manchester United iyo England Gary Neville ayaa rumowday ka dib markii xiddiga Arsenal Bukayo Saka uu isaga baxay xulka Ingariiska ka hor kulamada saaxiibtinimo ee Brazil iyo Belgium.
Gary Neville ayaa saadaaliyay in midkood xiddigaha Arsenal ama Manchester City ay ka bixi doonaan xulalkooda ka hor kulankooda adag ee Premier League ee dhamaadka bishaan.
Shalay ayaa la shaaciyay in Saka uu dib ugu laabanayo Arsenal feejignaan darteed madaama la sheegay in dhaawac uu qabo, waxaa isna xulkiisa dhaawac uga baxay xiddiga Man City Kevin de Bruyne waana labo ciyaaryahan uu Neville saadaaliyay inay sidaas sameyn doonaan.
Daaficii hore ee Man United ayaa sheegay in tababarihii hore ee Man United Sir Alex Ferguson inuu ciyaartoyda ka saari jiray xulalkooda ka hor isbuucyada ugu danbeeya xilli ciyaareedka. Arsenal, City iyo Liverpool ayaa haatan waxaa kala saarta kaliya hal dhibic iyadoo 10 kulan ay ka harsan tahay horyaalka.
“Waxaan sheegay isbuucyo yar ka hor, inay xiiso yeelan doonto in la arko inta ciyaaryahan ee City, Arsenal iyo Liverpool ee isaga bixi doona xulalkooda” ayuu yiri Neville.
“Durba Kevin de Bruyne ayaa ka baxay xulkiisa. Waxaan aaminsanahay in kulamada saaxiibtinimo ee heerka caalami in la ciyaarayo waqti qaldan oo tartamada horyaalada ay kulul yihiin.
“Waxaan sameynayaa saadaal: midkood Declan Rice, Bukayo Saka ama Phil Foden ayaa xulka ka bixi doona kulanka labaad ama maba ciyaari doonaan.”