Halyeygii Chelsea ee Joe Cole ayaa usoo jeediyey kooxdiisii hore, in ay la saxeexdaan labada ruug-caddaa ee Real Madrid ee Luka Modric iyo Toni Kroos, halkaas oo labadooba ay danaynayaan in ay waqti kusoo qaataan ka hor inta aanay ka fadhiisanin ciyaaraha.
Kooxda tababare Mauricio Pochettino oo kaalinta 11aad kaga jirta miiska kala-sarraynta Premier League isla markaana lacag ka badan £1 bilyan oo Gini ku kharash garaysay ciyaartooyo cusub labadii sannadood ee ugu dambeeyey, ayaa waxa ay si xor ah ku heli karaysaa Kroos iyo Modric oo qandaraasyadoodu ay ku egyihiin dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Chelsea oo maalgelintii iyo lacagtii tirada badnayd ee ay kharash garaysay aanay u shaqaynin isla markaana bishii hore ay Liverpool ku garaacday finalka Carabao Cup, ayaa waxa lagu qasbayaa inay xaraashto qaar ka mid ah ciyaartoydeeda inta ka horreysa June 30, 2024, si ay uga badbaaddo in ganaax lagu rido.
Joe Cole oo la hadlay warbaahinta ayaase rumaysan in Chelsea ay guulo gaadhi doonto haddii ay hesho ciyaartooyo khibrad ku kaba laacibiinta tirada badan oo da’yarta ah ee ku urursan Stamford Bridge, waxaana uu kula taliyey inay lasoo wareegaan Modric iyo Kroos.
“Chelsea waa in ay raadiso ciyaartooyo khibrad leh oo seeska u dhiga.” Ayuu ku bilaabay Joe Cole, waxaanu kusii daray: “Waxay ila tahay in Luka Modric uu qandaraaskiisa Real Madrid dhamaanayo. Miyaanu doonayn inuu yimaaddo oo uu hal sano ka ciyaaro Premier League?
“Wali waa uu ku fiican yahay Real Madrid. Bal eeg sida weyn ee uu u caawiyey Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouameni iyo Federico Valverde. Saamayntaas oo kale ayuu ku yeelan lahaa ciyaartoyda Chelsea.
“Toni Kroos waa 34 jir. Miyaanu doonayn inuu naftiisa ku tijaabiyo inuu halkan yimaaddo oo uu caawiyo ciyaartoyda da’yarta ah ee Chelsea? Kaliya waa magacyo maskaxdayda ku weyn, balse ma ogi xaaladdooda.”