Ruben Amorim ayaa sheegay in qaab ciyaareedka Manchester United uu la mid yahay ‘Rollercoaster’ oo micno ahaan loo adeegsado wax walba oo lagu sameeyo isbedelo deg deg ah, laakiin waxa uu aaminsan yahay in kooxdiisu ay horumar samayn doonto waqti ka dib.
Amorim ayaa gaaray guushiisii ugu horeysay ee Premier League isagoo tababare ah ka dib markii ay 4-0 ay kaga badiyeen Everton garoonka Old Trafford.
Marcus Rashford iyo Joshua Zirkzee ayaa min labo jeer shabaqa soo taabtay, iyadoo Red Devils ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.
Rashford ayaa daah furay goolasha ka dib markii Bruno Fernandes uu ka cawiyay qeybta hore ee ciyaarta.
Zirkzee ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay tan iyo August kooxda Manchester United ka hor
Ciyaaryahanka heerka Amad Diallo oo bandhig sare qaatay ayaa sidookale ka cawiyay Rashford goolkiisii labaad iyo kii saddexaad, ka hor inta Zirkzee ku darin goolka afaraad.
Guushaan ayaa Manchester United ka dhigeysa in ay soo gasho kaalinta 9-aad ee kala sareynta horyaalka,waxana ay sii dheereysatay rikoorkeeda guuldarro la’aanta ah tan iyo markii la ceyriyay Ten Hag.
Amorim waxa uu ku adkaystay in kooxdiisa ay hayso waddo dheer oo ay ku socon karto, waxa uu sheegay in Red Devils ay kujirto qaab ciyaareed ‘Rollercoaster’.ama isbedel badan oo deg deg ah.
Kaliya diirada ma saari karno natiijada, waa inaan sidookale diirada saarnaa qaab ciyaareedka kooxda “ayuu yiri Amorim.