Saraakiisha Manchester United oo magacaabay labo ciyaaryahan oo ka soo kabsan kara dhibaatadii ka heysatay la shaqeynta Ten Hag.
Ruben Amorim ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo Manchester United kulanka ay la ciyaarayaan Ipswich Town kadib markii loo magacaabay tababaraha kooxda Red Devils, isagoo kalsooni ka helay maamulka sare ee ciyaaraha kooxda.
Tababaraha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim, ayaa lagu qasbayaa inuu ku shaqeeyo miisaaniyad xaddidan marka ay timaado dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda. Taas beddelkeeda, waxaa laga filayaa inuu horumariyo ciyaartoyda haatan ku sugan kooxda.
39-jirkan ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan tababar la qaato kooxda kadib markii uu soo gaaray Old Trafford, kahor kulankiisa ugu horreeya ee uu hogaaminayo kooxda, kaas oo ay la ciyaari doonaan Ipswich Town usbuucan.
Maamulka United ayaa horey ugu kalsoonaa in Amorim ka soo saari karo waxqabad wanaagsan ciyaartoyda lacagta badan lagu soo iibiyay sida Mason Mount iyo Rasmus Højlund.
Laacibkii hore ee khadka dhexe ee Portugal ayaa horey ula kulmay madaxa fulinta Omar Berrada, agaasimaha ciyaaraha Dan Ashworth, iyo agaasimaha farsamada Jason Wilcox tan iyo markii uu soo gaaray Manchester toddobaadkii hore.
Warbixin ka timid The Telegraph ayaa sheegaysa in Amorim la siin doono waqti uu ku qiimeeyo kooxdiisa iyo sida ciyaartoydu ugu habboon yihiin qaabka uu u ciyaarayo, ka hor inta uusan qorshe kama dambeys ah ka sameyn suuqa kala iibsiga.