Tababaraha kooxda Manchester United, Ruben Amorim, ayaa soo xushay afar ciyaaryahan oo kooxdiisa ah kuwaas oo uu kaga baahan yahay inay goolal badan dhaliyaan kulamada soosocda.
Amorim ayaa la wareegay kulankiisii ugu horeeyay Man Utd todobaadkii hore, markaasoo barbaro 1-1 ah la dhaafi waayay kooxda yar ee Ipswich Town.
Marcus Rahford ayaa goolka u daah furay kooxda Red Devils, ka hor inta uusan Omari Hutchinson u barbareynin kooxda ku ciyaarta Portman Road.
Kahor kulanka Europa League ee ay gurigooda ku wajahayaan Bodo/Glimt, Amorim wuxuu yiri: “Rasmus Højlund iyo Josh Zirkzee waxaan ka doonayaa in ay dhaliyaan goolal badan, waa laba weeraryahan shaqadooda waxay tahay in ay kooxda guul ku hogaamiyaan.
“Amad waa inuu si fiican ugu dhawaadaa goolka si lamid ah Bruno Fernandez sidoo kale waa inuu dhaliyo goolal badan xili ciyaareedkaan.”ayuu yiri Amorim.
Waxaa jira warar la isla dhaxmarayo oo sheegaya in Amorim suuqa ugu jiro saxiixa weeraryahano cusub oo xoojiya kooxdiisa sanadka soo socda.
Laakiin macalinka reer Portugal ayaa taas meesha ka saaray, isagoo doortay afar ciyaarahan oo kooxdiisa ah oo uu ka doonayo in ay dhaliyaan goolal badan ololahaan.
Amad, Rasmus Højlund, Josh Zirkzee iyo Bruno Fernandez ayuu u magcaabay afarta ciyaaryahan ee uu goolasha kaga fadhiyo kulamada soosocda tababare Amorim.