Weeraryahankii hore ee Manchester United, Dimitar Berbatov ayaa u sheegay tababaraha cusub ee Ruben Amorim inuu ogaado in ay muhiim tahay sida loo maareeyo ciyaartoyda waa weyn ee lacagta badan ka qaata Old Trafford.
Amorim, oo hadda mas’uul ka ah Sporting CP, ayaa waqti hore loo magacaabay beddelka Erik ten Hag ee Man United.
Tababaraha reer Portugal ayaa xilka Man United la wareegi doona todobaadka soo socda, laakiin wuu toos u shaqa bilaabayaa kadib fasaxa caalamiga ah.
Waxaan qabaa in wax walba oo kamid ah shaqadii uu qabtay ninka reer Portugal ay aad u fiicneyd, laakiin waxaan qabaa in ku guuleysiga koobab ay ka horeyso maareynta ciyaartooyda waaweyn ee kooxda,” Berbatov ayaa u sheegay Mirror Football.
“Isaga hadda wuxuu noqon doonaa tababaraha Manchester United, sida caadiga ah waan ognahay ciyaartoy waa weyn ayay kooxdu heystaan, taasoo la micno ah in ay u baahan yihiin maareen gaar ah.
Man United ayaa hadda fadhida booska 13-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League, iyada oo leh 12 dhibcood 10 kulan oo ay ciyaartay.
Red Devils ayaa caawa oo Khamiis ah la ciyaari doonta kooxda PAOK kulan ka tirsan tartanka Europa League.
Kulankooda soo socda ee Premier League waxay kula ciyaari doonaan Leicester City axada garoonka Old Trafford.