Iyadoo suuqa kala iibsiga Janaayo uu furmayo wax ka yar hal bil gudahood, Manchester United ayaa la filayaa inay noqoto mid ka mid ah kooxaha ugu mashquulka badan Premier League ka dib imaanshaha Ruben Amorim.
Kadib markii ay guushoodii ugu horreysay ee Premier League ka gaareen Everton, diiradda Manchester United ayaa haatan u wareegaysa suuqa kala iibsiga Janaayo.
Amad ayaa wacdarro dhigay markii United ay si xoog leh uga adkaatay Everton Axaddii, balse madaxda kooxda ayaa wajahaya go’aan ku saabsan qandaraaskiisa oo dhacaya xagaaga. Tababare Amorim ayaa si cad u sheegay mowqifkiisa, isagoo xusay in Amad uu noqon doono qeyb muhiim ah oo ka mid ah qorshihiisa.
“Waxa uu leeyahay karti, laakiin jir ahaan waa yar yahay. Shaqo fiican ayuu qabtay laakiin waa inuu horumar sameeyaa. Mar kale wuu fiicnaa. Waxaad dareemi kartay dhamaadka ciyaarta inuu aad iyo aad u daalay,” ayuu yiri Amorim.
“Sidaas darteed waa inaan maareyno oo aan kordhino awooddiisa jireed. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku ammaano Amad raacashadiisa, laakiin taasi waa isaga. Wuxuu yahay mid caqli badan. Wuxuu leeyahay firfircooni halis ah.”