Maamulaha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa u sheegay kooxdiisa cusub inuu u baahan yahay in loo keeno ciyaartoy aad u xoogan oo isbedel sameyn kara.
Amorim wuxuu si rasmi ah uga bilaabay shaqadiisa Xarunta Tababarka ee Carrington Isniintii shalay.
Sida laga soo xigtay qabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano, 39-sano jirkaan ayaa horay ugu sheegay United nooca ciyaaryahan ee uu ka doonayo inay u keenaan.
Romano ayaa yiri ” Ruben Amorim ayaa weydiistay agaasimayaasha Man Utd inuu u baahanahay in loo keenno ciyaartoy xoog leh kadib markii uu kormeeray dhamaan xiddigaha kooxda.
“Kuwani waxay ahaayeen erayadii muhiimka ahaa ee uu yiri kadib wadahadaladii uu la yeeshay maamulka Man Utd
Amorim ayaa maamuli doona kulankiisii ugu horeeya ee United ciyaarta Ipswich Town ka dib fasaxa caalamiga ah marka laga soo laabto.
Tababaaha cusib ee Man Utd ayaa la arkayay isagoo la kulmaya ciyaartooyda muhiim ah oo uu kujiro ninka dhaawaca ku maqan ee Leny Yoro.