Weeraryahanka Sporting Lisbon Gyökeres, ayaa u sheegay tababarihiisii hore ee Ruben Amorim inuu aad uga xun yahay u wareegistiisa Manchester United.
Amorim waxa uu tababare u ahaa weeraryahanka dunida heysta waqtigaan ee Gyökeres waayihiisii Sporting ka hor inta aanu macalinka Portugal ku biirin Man United maalmo ka hor.
Isagoo ka hadlayay bixitaankii tababare Amorim, Gyökeres wuxuu sheegay in 39-jirkaan uu ka caawiyay inuu noqdo ciyaaryahan wanaagsan oo qiimo sare yeyeesy intii ay ku wada shaqeynayeen Sporting CP.
Gyòkeres ayaa u sheegay fotbollskanal “Ku biirista Amorim ee Man United waxay aheyd lama filaan, ma jecleyn inuu sidaas sameeyo.
“Waa wax laga xumaado inaan aragno isaga oo ka tagaya Sporting, laakiin waan fahamsanahay go’aankiisa, dabcan wuxuu rabaa inuu heer sare gaaro.
“Waxa uu ii ahaa fure, Amorim waxa uu i siiyay fursad, isaga oo iga caawiyay in aan hormariyo xirfadeyda markii aan ku biiray Sporting CP “ayuu yir Gyökeres.
Manchetser United ayaa kamid ah dhowr koox oo ka dhisan yurub oo doonaya saxiixa weeraryahanka Gyökeres, waxaana ka caawin kara saxiixiisa tababare Amorim oo ay saaxiibo dhaw yihiin ciyaaryahanka.