Roy Keane ayaa sheegay in Erling Haaland uu yahay sida ciyaaryahan heerka afaraad ka dheela isagoo dhaleeceeyay qaab ciyaareedka xiddiga Man City.
Xiddiga reer Norway ayaa ku dhibtooday inuu wax saameyn ah ku yeesho ciyaartii Etihad Stadium iyadoo Man City iyo Arsenal ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah.
Kaliya seddex darbo oo goolka ku bartilmaameedsan ayaa ciyaarta la helay, iyadoo City loo diiwaangeliyay kaliya kubadii Nathan Ake uu uu badbaadiyay David Raya daqiiqadii 15aad.
Isagoo u hadlayay Sky Sports ciyaarta ka dib, Keane ayaa si xun u dhaleeceeyay qaab ciyaareedka City gaar ahaan Erling Haaland.
Waxa uu yiri: “Heerka ciyaartiisa guud aad ayay u liidataa. Kaliya maanta ma ahan.
“Goolka hortiisa wuxuu ku yahay xiddiga ugu fiican dunida.
“Laakiin ciyaartiisa guud, waa mid aad u liidato. Kaliya maanta ma ahan – waa inuu horumariyaa ciyaartiisa guud. Wuxuu iigu muuqdaa ciyaaryahan heerka afaraad ah ah, waa sida aan u arko isaga.
“Ciyaartiisa guud waa inay horumar sameyso, waana laga yaabaa inay sameyso sannadaha soo socda.”
Haaland oo mashiin goolal ah ayaa inta badan lagu dhaleeceeyaan inuu muuq beelo kulamada waa weyn sidoo kalena goolashiisa ay yihiin kuwa inta badan loo soo shaqeeyo.
Natiijadii maanta waxay keentay in Liverpool ay hogaanka Premier League labo dhibcood ku qabato iyagoo ka sareeya Arsenal, halka Man City ay ku jirto kaalinta 3aad waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Reds.