Roy Keane ayaa ka yaabiyay taageerayaasha ka dib markii uu si daacad ah uga hadlay Jurgen Klopp iyadoo tababaraha Jarmalka uu ku dhawaanayo dhamaadka waqtigiisii Liverpool.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa 4-2 ku garaacday Tottenham oo ku soo booqatay Anfield, iyadoo tababaraha Jarmalka ay u hartay kaliya hal kulan oo uu ku macsalaameynayo Anfield madaama kulanka kale ay marti yihiin.
Inkastoo Liverpool ay ka quusatay hanashada horyaalka hadana waxay doonayaan inay ku dhameystaan kaalin sarre iyadoo ay u harsan yihiin Aston Villa iyo Wolves.
Ka dib guushii Spurs, khabiirada Sky Sports ayaa waqti u qaatay inay kaga hadlaan waayihii Jurgen Klopp ee Liverpool oo soo bilowday 2015kii.
Halyeeyga Manchester United Roy Keane ayaana amaan ugu qubeeyay Klopp, isagoo xiraa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ka hoos ciyaaro tababaraha Jarmalka.
“Eeg sawirka guud iyo wixii uu u qabtay kooxdaan, waa mid fantastik ah” ayuu yiri Roy Keane.
“Waxaan ka hadlaa nooca kubad uu ciyaaray, waxay aheyd mid madadaalo ah. Waxa uu fursad siiyaa ciyaartoyda da’da yar. Wuxuu kooxda ku soo celiyay inay u tartanto koobab ugu waa weyn, wuxuuna ku guuleystay koobab waa weyn.
“Sidoo kale wuxuu seegay koobab kale oo uu ku dhawaa. Waxay u aheyd waayo kor iyo hoos ah, waxyaabaha uu ku xoogan yahay ayaa ah inuu yahay nin xamaasad leh. Waan aragnaa taas marka uu kursiga keydka fadhiyo.
“Waa tababare aad u daacad ah, ma jecla inuu ciyaar maskaxeed dheelo. Ma ahan sida mashiin oo ciyaaraha ka dib uma hadlo sida qof loo soo tababaray sida warbaahinta loola hadlo.
“Wuxuu u muuqdaa tababare aad u daacad ah, haddii aan ciyaaryahan ahaan lahaa maanta, waxaan jeclaan lahaa inaan ninkaan ka hoos ciyaaro.”