Halyeeygii hore ee Manchester United, Louis Saha, ayaa sheegay in Ronaldo ka goolal badnaan lahaa Lionel Messi haddii uu ku biiri lahaa horyaalka Mareykanka (MLS).
Messi, oo ku guuleystay Ballon d’Or siddeed jeer, ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee horyaalka MLS xilli ciyaareedka 2024, isagoo dhaliyay 36 gool iyo 12 caawin dhammaan tartamada.bandhigan quruxda badan ayaa ka caawisay kooxda Inter Miami inay ku guuleysato koobka Supporters’ Shield.
Si kastaba ha ahaatee, Louis Saha ayaa aaminsan in Ronaldo, oo haatan ka ciyaara kooxda Al-Nassr ee Sacuudiga, uu wax ka badan intaas soo saari lahaa haddii uu ka ciyaari lahaa Mareykanka.
Saha ayaa u sheegay Complete Sports: “Cristiano Ronaldo wuxuu dhalin lahaa goolal ka badan Messi horyaalka MLS sababtoo ah Messi wuxuu dhaliyay 20 gool isaga oo heysta ciyaartooy tayo sare leh. Ronaldo uma baahna ciyaartooy kale oo sidaas u sarreeya si uu goolal u dhaliyo.”
Saha ayaa intaas ku daray: “Ronaldo kuma qanco 20 gool oo kaliya, meel kasta oo uu ka ciyaarayo. Xilli ciyaareedkii hore, wuxuu dhaliyay 35 gool horyaalka iyo 50 gool tartamada oo dhan. Messi hadda waa ciyaaryahan ka duwan, ma aha mid rikooro jebinaya ama goolal raadinaya, wuxuu ku qanacsan yahay ciyaar deggan. Ronaldo weli wuxuu rabaa inuu rikoodho jebiyo.”
Cristiano Ronaldo, oo 39 sano jir ah, ayaa weli ku raad joogga inuu gaaro 1,000 gool xirfaddiisa kahor inta uusan ka fariisanin ciyaarta. Wuxuu qorsheynayaa inuu heshiis cusub saxiixo sanadka 2025, halka Messi uu sidoo kale sii joogi doono kooxda Inter Miami ilaa ugu yaraan 12 bilood Oo kale.
Waxaa la filayaa in loollanka u dhexeeya labada ciyaaryahan ee caalamiga ah uu sii socdo, iyada oo mid walba weli raadinaayo inuu taariikh cusub dhigo.