Xiddiga Manchester United Patrick Dorgu ayaa ku eedeeyay Cristiano Ronaldo inuu si xeeladaysan isu tuuray si uu rigoore u helo kulankii ay Denmark la ciyaartay Portugal tartanka UEFA Nations League.
Xulka Denmark ayaa hoggaanka ku hayay 1-0 ka hor inta aan la ciyaarin lugtii labaad ee wareega siddeed dhammaadka, balse Portugal ayaa si degdeg ah u dooneysay inay ciyaarta kusoo laabato markii lagu ciyaarayay magaalada Lisbon.
Dorgu ayaa lagu eedeeyay inuu dhulka dhigay Ronaldo, taasoo siisay fursad weyn oo uu rigoore kaga dhaliyo 12-ka yard. Si lama filaan ah, Ronaldo ayaa ku fashilmay inuu shabaqa gaaro, iyadoo kubbaddiisa ay si sahlan ugu gacan gashay Kasper Schmeichel. Si kastaba ha ahaatee, xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa ugu dambeyn gool dhaliyay kulanka xiisaha lahaa ee ay Portugal 5-2 kaga badisay Denmark kaddib waqtiga dheeriga.
Dorgu, oo ah 20 jir da’yar oo booska garabka daafaca ka ciyaara, islamarkaana bishii Janaayo ku biiray Manchester United, ayaa sheegay inuu dareemayo in Ronaldo uu khaladka kasbaday si uu rigoore u helo.
Isagoo la hadlayay warbaahinta TV2, Dorgu wuxuu yiri:
“Cristiano Ronaldo waa mid xeelad badan. Wuxuu yaqaanaa sida rigoore lagu kasbado.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Ma dareemin in aan si xoog badan u jiiday, waxaana jiray fursado kale oo ciyaarta dhexdeeda ah oo xiriir jidheed ka badnaa midaas. Kaliya waxaan taabtay gacantiisa, kaddibna wuu is tuuray. Wuxuu si waalli ah si uu go’aankaas u helo.”
Dorgu ayaa qirtay inuu ka xumaaday rigoorada la siiyay Portugal, balse wuxuu tilmaamay inuusan ogolaan doonin in hal qalad uu saameeyo ciyaartiisa.
“Dabcan, way i dhibtay arrintaasi. Laakiin waxaan ciyaarnay 90 daqiiqo, waana iska difaacay. Ma ogolaan karo in rigoore saameyn igu yeelato waqti hore oo ciyaarta ah. Waa inaan si taxaddar leh u ciyaaraa oo aan wax ka barto qaladkeyga.”