Halyeyga kubadda cagta Brazil, Ronaldo de Lima, ayaa raaligelin siiyay Neymar ka dib markii uu sheegay in xiddiga ay isku waddanka yihiin uusan xiriir wanaagsan la lahayn madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil (CBF), Ednaldo Rodrigues.
Ronaldo ayaa sidoo kale sheegay in Neymar uu ku eedeeyay madaxweynaha CBF inuu sabab u ahaa dhaawiciisii jilibka ee 2023, maadaama uu garoonkii lagu ciyaaray uu ahaa mid aan sinnayn.
Isagoo ka hadlaya barnaamijka Charla, Ronaldo ayaa yiri: “Sida aan maqlay, Neymar ma jiro xiriir wanaagsan oo uu la leeyahay Ednaldo. Wuxuu ku eedeeyay Ednaldo inuu sababay dhaawaciisa jilibka ee ka dhacay Cuiaba sababo la xiriira garoonka oo aan sinnayn. Taasi waa wixii aan maqlay, ma hubo inay run tahay. Laakiin waa suurtogal.”
Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa hadda raaligelin ka bixiyay hadalkiisa isagoo fariin soo dhigay barta X (horey Twitter).
Wuxuu qoray: “Waxaan jeclaan lahaa inaan raaligelin siiyo@neymarjr, maadaama aan ka hadlay xiriirka uu la leeyahay madaxweynaha CBF. Aniga oo ah ciyaaryahan hore, waan ogahay sida sheekooyinka si khaldan loo tebiyo ay wax u dhimi karaan. Waxaan sidoo kale ogahay in hibadiisu ay wax badan ka beddeli karto xulka qaranka Brazil. Sidaas darteed, waan taageersanahay!”