Cristiano Ronaldo ayaa lagu eedeeyay inuu cod caro leh u diray xiddigii hore ee Real Madrid Antonio Cassano kadib markii uu dareemay ixtiraam darro ka timid hadalka Cassano. Cassano, oo muddo dheer ku soo dhex jiray kubadda cagta una soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Roma, AC Milan, iyo Inter Milan, ayaa dhowr jeer si cad u dhaleeceeyay Ronaldo.
Hadal uu dhawaan soo saaray Cassano waxa uu ku sheegay in Ronaldo aanu garanayn sida loo ciyaaro kubbada cagta, isla markaana waxa kaliya ee uu diirada saaro ay tahay in uu gool dhaliyo. Waxa uu xitaa sheegay Cassano iney jiraan ilaa shan ciyaaryahan oo kale oo ay ku jiraan Lionel Messi iyo Ronaldo Nazario, kuwaas oo uu ku andacooday inay ka wanaagsanaayen Ronaldo.
Sida laga soo xigtay Cassano, wuxuu helay qoraal aan toos ahayn oo ka yimid lambar Isbaanish ah (+34), kaas oo uu markiiba ogaaday inuu ka yimid Ronaldo laftiisa. Fariintan ayuu Ronaldo ku taxaabay dhamaan koobabkii iyo guulihii uu gaadhay intii uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed isaga oo muujiyay sida uu uga cadhooday in magaciisa laga hoos mariyo xiddigo ay xifaaltamaan.
Ronaldo ayaa qoraalka ku shaaciyay in Cassano keliya uu dhaliyay 150 gool,kuna guuleystay afar horyaal.waxaa kale uu usheegay farqiga u dhaxeeya labadooda.
Cassano ayaa ka jawaabay oo u sheegay Ronaldo in arintu aysan ahayn koobab ama goolal, balse uusan gebi ahaanba jeclayn Ronaldo ciyaaryahan ahaan. Ma ahan markii ugu horeysay uu Ronaldo si adag uga jawaabo dhaleeceyn loosoo jeediyay. Horraan waxa uu u xannibay shabakadda TransferMarkt ka dib markii ay ku qiimeeyeen inuu ka hooseeyo inta uu aaminsan yahay inuu u qalmo.
Xaaladan ayaa muujineysa sida uu Ronaldo ugu nugul yahay dhaleeceynta, gaar ahaan marka ay timaado taariikhda kubada cagta iyo guulaha shaqsiyadeed.
idinkaba meesha waxaa ka cad inaad dhan u xaglisaan mrka warka w intaas