Ronald Araújo Oo Ballan-qaaday In Liverpool Ay Wax Walba U Sameyn Doonto Si Ay U Garaacdo Arsenal

Daafaca dhexe ee Liverpool, Ronald Araújo, ayaa ka hadlay kulanka adag ee kooxdiisu maanta la ciyaari doonto Arsenal, isagoo sidoo kale qiimeeyay qaab ciyaareedka kooxda xilligan.

“Shaki kuma jiro inaan hadda ku jirno marxalad wanaagsan. Aniga shaqsi ahaan waxaan kalsooni ku qabaa awoodda kooxdeena.

“Waxaa laga yaabaa inaanan xilli ciyaareedka ku bilaaban qaabkii ugu fiicnaa, balse marka la eego ciyaartoyda aan haysanno, shaqada aan qabaneyno iyo falsafadda uu tababaruhu nagu dhisayo, waxaan hubaa in kooxdu horumar sameyn doonto.

“Waxaan ku jirnaa marxalad horumarineed, taasina waa arrin wanaagsan, sababtoo ah waxay muujineysaa inaan weli haysanno fursad aan ku sii fiicnaanno.

“Waan ognahay inaan wax badan soo bandhigi karno, waana arrinta aan si adag uga shaqeyneyno. Hadda waxaan ku jirnaa waqti wanaagsan, balse waa inaan horay u soconnaa, mana aha inaan ku qanacno wixii aan ilaa hadda gaarney.

“Toddobaadkan waxaa na sugaya imtixaan adag oo ka dhan ah koox xooggan. Balse waxaan ku ciyaareynaa garoonkeenna, taageerayaasheenana way nala joogaan, sidaas darteed waxaan sameyn doonnaa wax walba si aan guul u gaarno.

“Waxay noqon doontaa ciyaar adag. Waxaan wajahaynaa kooxda ku guuleysatay Premier League, isla markaana gaartay final-ka Champions League. Waa koox muddo sannado ah la dhisayay.

“Annaguna awood ayaan muujin doonnaa. Wuxuu noqon doonaa kulan xiiso leh iyo imtixaan weyn. Waxaan hubaa in dadaalka iyo shaqada adag ee aan sameyneyno ay naga caawin doonaan inaan taageerayaasheenna farxad gelinno,” ayuu yiri Araújo.

Kulanka Liverpool iyo Arsenal ayaa maanta oo ah 1-da November ka dhici doona garoonka Anfield.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular