Da’yarka kooxda Liverpool, Rio Ngumoha, ayaa taariikh cusub dhigay kulankii Manchester United, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid gool ka qayb qaata kulan Premier League ah oo dhex mara labadan kooxood.
Xiddigan 18-jirka ah ayaa caawiyay goolkii Florian Wirtz, kaas oo hoggaanka Liverpool ka dhigay 2-0.
Ngumoha, oo jira 18 sano iyo 85 maalmood, ayaa jebiyay rikoorkii uu horay u haystay Kobbie Mainoo. Mainoo ayaa jiray 18 sano iyo 354 maalmood markii uu gool u dhaliyay Manchester United kulankii ay barbarraha 2-2 ah kula galeen Liverpool garoonka Old Trafford 7-dii Abriil 2024.