Rodri ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aanka Vinicius Jr iyo Real Madrid ee ku saabsan in aysan kasoo qaybgalin xafladdii Ballon d’Or ee ka dhacday Paris, kadib markii khadka dhexe ee Manchester City uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Premier League ah ee ku guuleysta Ballon d’Or tan iyo Cristiano Ronaldo sanadkii 2008.
“Go’aanka ayaga ayaa leh.Mey dooneyn iney halkaan yimaadaan sababo awgood.waan dareemi karaa,” ayuu yiri Rodri. “Aniga waxaan diiradda saarayaa kooxdayda iyo ciyaartoyda ila joogta iyo dadka halkan ku sugan ee ku faraxsan iney ii hambalyeeyaan, taas ayayna tahay.”
Isagoo ka hadlaya shirka jaraa’id ee rasmiga ah kadib xafladda. Rodri ayaa yiri: “Ku guuleysiga Ballon d’Or waa wax aan waligey ku fikiri jirin – riyadeydu waxay ahayd in aan ka ciyaaro heerka koowaad ee Spain iyo kubadda cagta, weligayna ma maleyn waxyaalahan.”
Rodri, oo la yimid xafladda biraha lagu boodo, ayaa haatan dhaawac uga maqan ciyaaraha isagoo qaba dhaawac xun oo ACL ah oo ka hor istaagi doona inuu ciyaaro inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.