Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxda FC Barcelona xilli ciyaareedka soo socda, isagoo beeniyay wararka la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo horyaalka Sacuudiga.
Wakiilka Lewandowski, Pini Zahavi, ayaa wareysi uu siiyay 365 Scores ku sheegay: “Lewandowski boqolkiiba 100 wuu sii joogayaa Barcelona xagaagan. Wuxuu ku faraxsan yahay kooxda. Wuxuu leeyahay qandaraas, waana uu ixtiraami doonaa ilaa dhammaadka. Dalab ka yimid Sacuudiga? Ma aanan helin wax dalab ah mana jiro koox nala soo xiriirtay.”
Lewandowski ayaa ku biiray Barcelona xagaagii 2022, isagoo ka yimid Bayern Munich, wuxuuna si degdeg ah uga mid noqday ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda.
Xilli ciyaareedkii hore, wuxuu ka caawiyay Barcelona inay ku guuleysato horyaalka La Liga, isagoo noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan horyaalka xilli ciyaareedkaas.
Go’aanka Lewandowski ee uu ku sii joogayo Barcelona ayaa ah war wanaagsan oo u soo yeeray taageerayaasha kooxda, maadaama uu yahay mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka, isla markaana door muhiim ah ka ciyaaraya qorshaha kooxda ee mustaqbalka dhow.
Inkastoo ay jiraan kooxo si hoose xiiso ugu muujiyay Lewandowski hadana lagama soo gudbin wax dalab toos ah.